Mareykanka iyo xulafadiisa oo isku khilaafay dagaalka Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si kulul u dhaliilay dalalka ku bahoobay isbahaysiga NATO, kaddib markii ay intooda badan diideen inay si toos ah uga qayb qaataan howlgalka militari ee ka socda Iiraan, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay โ€œqalad doqonimo ah.โ€

Trump oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad xilli uu martiqaaday Raโ€™iisul Wasaaraha Ireland Micheal Martin ayaa sheegay in inkastoo dalalka NATO ay taageersan yihiin dagaalka wadajirka ah ee ay wadaan Mareykanka iyo Israaโ€™iil, haddana ayna doonayn inay si muuqata uga qayb qaataan.

โ€œWaxaan u arkaa NATO inay sameyneyso qalad weyn. Qof walba wuu nala oggol yahay, balse ma doonayaan inay naga caawiyaan, taasina waa arrin naxdin leh,โ€ ayuu yidhi Trump.

Madaxweynaha ayaa xusay in aanay hadda u ย qorsheysnayn wax tallaabo ciqaabeed ah oo ka dhan ah xulafadiisa, inkastoo uu horey u muujiyay dhaliilo ku saabsan doorka NATO iyo ka goโ€™naanshaha Mareykanka ee isbahaysigaas.

Dhanka kale, Trump ayaa ugu baaqay waddamada caalamka inay gacan ka geystaan sugidda amniga marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, kaas oo qiyaastii 20% shidaalka dunida uu maro. Arrintan ayaa timid kaddib markii Iiraan ay qaaday tallaabooyin militari oo ay ku beegsanayso maraakiibta isticmaala marinkan.

Si kastaba ha ahaatee, dalal badan oo xulafo la ah Mareykanka ayaa sheegay in ayna qorsheynayn inay maraakiib u diraan halkaasi, iyaga oo diiday codsigii Trump ee ahaa in la kordhiyo taageerada militari. Trump ayaa sidoo kale horey u sheegay in Mareykanka aanu โ€œu baahnaynโ€ caawinta NATO, inkastoo uu hadda sheegay in goโ€™aanka xulafadiisu uu yahay mid qalad ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker