Dhegeyso: Dawladda Kanada oo Argagax ka muujisay Geerida Suxufiyad Hodan Naaleeye
Shacabka iyo siyaasiyiinta dalka Canada ayaa ka murugooday dilkii shalay magaalada Kismaayo loogu geystay saxafiyadda Hodan Naaleeye.
Alla ha u naxariistee Hodan ayaa ku dhalatay Soomaaliya, balse iyada oo jirta lix sano ayay Qoyskeedu Geeyeen Dalka Kanada. Dalka ayay dib ugu soo laabatay dhawaan.
Waxay ka mid aheyd iyada iyo seygeeda 26 qof oo shalay ku dhintay weerarkii ay Ururka Al Shabab ku qaadday hoteel ku yaalla magaalada Kismayo.
Hadaba halkan hoose ka dhagayso warkaas oo faah faahsan
Warbixintaan waxaa Toronto kasoo diray Xuseen Nur Xaaji.




