- Waddooyinka dhulka mara ma raacno inakoo aan ogayn meesha ay tagayaan, laakiin’se wadooyinka nolosha waxaynu raacnaa inakoo aan ogayn meesha ay Tagayaan ama Ku dhamaanayaan
- Hawli inay kaa qabyowdo waa wax iska dabiici ah oo ceeb maaha, taladeeduse inay kaa qabyowdaa marka hore ayaaceeba.
- Kalsoonida iyo isku halaynta aad naftaada kaqabto ,waxaa xaqiiqda ugadhaw ta ay dadka kale kaa qabaan.
- Qof aan aqoon lahayn oo aamusay, wuxuu kafiicanyay mid aqoonleh oo wax khaladan kuhadlaya.
- Hawadu birta way jar-jari kartaa, Birtu’se Hawada ma jar-jari karto.
- Uhur hawsha aad qabanayso wakhtiga ,awooda iyo dhaqaalaha hadii ay mihiimtahay ,ugu yaraan waxaad xaqiijin kartaa sida loo qabanyo.
- Hadii Muruq ahaan lagaaga Ad-kaado hal mar ayaa lagaa adkaaday, hadii se Maskax ahaan lagaaga adkaado gabi ahaan waa lagaa wada ad-kaaday.
- Maskaxda Binu-aadamku waaturjumaanka ugu wayn ee wada hadashiiya Dareenada Jidhkeena ee kala duwan.
- Geesinimada aad Cid kula dagaalanto ,waxaa ka qiimabadan Geesnimada aad cidkula heshiiso.
- Go’aanka aad cid kaga aargoosanayso waxaad siisaa wakhti badan laakiin go’aanka aad dadka ku cafinayso waa inaad siisaa wakhti yar .
- Caruurta ka dhagayso wax walba oo ay kuu sheegaan sax iyo qaladba ,laakiinse adigu wax walba ha usheegin ee wixii ay qaadan karaan usheeg. lasoco inshl
- rashaad055@hotmail.com (063-4475540).

Back to top button