Xildhibaan Nuura Axmed Naasir ,waxa ay u dhigantaa Haweenayda xukunta Dalka Singabuur Xalimo Yacquub.

Marwo Nuura Axmed Naasir  oo hadda diyaar u ah in ay ka mid noqoto Xidhibaanada cusub ee Somaliland , waxa ay hore uga soo tirsanayd muddo aad u dheer Xisbiga Wayn ee Mucaaradka ah ee WADANI .

Marwo Nuura Axmed Naasir waxa ay Yagleelkii Xisbiga Wadani ahayd soona qabatay Jagada (Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Wadani ee dalka Igiriiska (UK) markii uu ahaa Ururka ,balse aanu u gudbin Xisbi waynaha.
Marwo Nuura waxa ay ahayd Haweenay Xisbiga galisay Naf iyo Maalba,iyada oo u hurtay dhaqalaheedii siisayna wakhtigiidii inta ugu badan,waxaa la odhan karaa Marwo Nuura waxa ay tahay Haweenay lasoo Kifaaxday Xisbiga gaar ahaana Gudoome Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro oo ay markasta la garabtaagnayd Hiil iyo Hooba.
Wadanigu ma Seexdo waa sida Nuura:
“Wadanigu Ma Seexdo” waxay ahayd hees aad u qiima badan uu ku luqeeynayay Allaha U Naxariistee Siciid Mire Xaydar. Isagoo tilmaan fiiro gaar’ahna siinaaya  shaqsiga wadaniga ah nooca uu yahay,Alaylahe waxa aan si dhab ah u odhan karnaa Wadaniga dhabta ah ee Somalilaan-darka ahi waa Xildhibaan Nuura Axmad Naasir.
Inkastoo aynu wadaniyiin wada nahay,hadana Nuura Axmed Naasir waxa ay cid’walba ay kaga horaysaa raadinta xuquuqda Haweenka Somaliland oo ay u aragto in ay tahay mid ay Ragu il’duufeen  iyo kaalmaynta Caruurta u baahan in inta ay nool yihiin wax loo qabto, haday tahay Waxbarashada,Caafimaadka iyo siday u heli lahayeen nolol ay ku gadhaan Mustaqbal la taaban karo.
Dalalka dunida sida ay u badan yihiin waxaa ka jira sharciyo iyo xeerar difaaca carruurta iyo Hooyooyinka. Xidhibaan Nuura Axmed Naasir waxa ay ka mid tahay Haweenka Fara’kutiriska ah ee waayo aragnimada shaqo u leh daryeelka iyo Ilaalinta Caruurta,iyadoo ku dhawaad dhawr iyo Labaatan sano kasoo shaqaysay Hay’adaha ku shaqada leh Dhalaanka dalka Ingiriiska (UK).
Xildhibaan Nuura marka laga dago waxyabaha sida Wadaniyada ay uga fikirayso hadii la doorto in ay dadka iyo dalkaba ay u qaban doonto waxa intaasi u dheer ,Ilaalilta Caruurta iyada oo ka duulaysa qodobo caalami ah oo ay ka mid yihiin:
-Carruurta waa in laga ilaaliya in la takooro,la Dilo,la Caayo ,la niyad jabiyo, Taas oo ah in aan loola dhaqmin si la mida dadka waawayn .
-Siyaasiinta, hey’adaha dowlada iyo maxkamaduhu mar walba oo ay go’aan gaadhayaan waa in ay ka fekeraan waxa carruurta u wanaagsan ee aanay ku qiimayn qaab Maxbuusnimo kaliya.
Xildhibaan Nuura Axmed Naasir waxa ay xaq u leedahay in la doorto,waxaana Marag-madoon ah Ilahay idamkii in ay Nuuri Somaliland u qaban doonto waxyaaba badan oo dadka iyo dalkaba farax galiya.
Xildhibaan Nuura ku dooro Aqoonta iyo kartida ay leedahay,waa Marwo ka madax banaan Qabyaalad,Eex,qof-jaycalysi,Laaluush qadasho.
Xildhibaan Nuura waa Marwo wakhti aad u badan kasoo shaqaysay wadamada Qurbaha waaya-aragnimo shaqo iyo mid Ilbaxnimana kala timi wadamada ay kasoo shaqaysay gaar ahaan dal waynaha Ingiriiska UK.
DOORO XILDHIBAAN NUURA AXMED NAASIR WAX HA KUU QABATEE.
baasheabdi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker