Booliska Kenya oo sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala cayriyay dad isugu soo baxay aragtida maydka Odinga
Booliska Kenya ayaa gaaska indhaha ka ilmaysiiya u adeegsaday dadweyne aad u badan oo isugu soo baxay garoonka caasimada Nairobi si ay u arkaan maydka ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, ka dib markii maydkiisa laga keenay Hindiya oo ah halka uu ku geeriyooday.
Waxaa sidoo klae la maqlayay rasaas, laakiin ma cadda inay boolisku adeegsanayeen rasaas nool ama kuwo caag ah.
Waxaa kale oo la soo warinayaa dhowr qof ay ku dhaawacmeen buuqa iyada oo laamaha ammaanka ay isku dayayeen inay kala cayriyaan dadka faraha badan ee garoonka ku soo qulqulayay.
Kummanaan qof oo baroor diiqaya ayaa lulayay laamo geedo ah iyo caleemo, waxaana ay horay u tageen garoonka diyaaradaha ugu weyn Kenya si ay u qaabilaan maydka Odinga, taasi oo keentay dad fara badan oo ku soo xoomay markii la soo dajiyay maydka ay keentay duulimaadyada muddo kooban la hakiyo




