Dowladda Soomaaliya Oo Xabsiga Muqdisho ka sii daysay 179 Maxbuus

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga ka sii daysay tiro Maxaabiis, kuwaasoo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xabsiga Dhaxe eeMuqdisho iyo Xabsiyo kale ka sii daayay maanta 179 maxbuus kuwaasoo Madaxweynaha uu u fidiyay Cafis Munaasabadda Ciidul fitriga Awgeed.

Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Maxaabiista shalay laga sii daayay xabsiyada ay ku xukunaayeen dambiyo yar yar.

Waxaa uu tilmaamay in Maxaabiista intii ay xabsiga ku jireen la baray Waxyaabo ay kamid yihiin Farsamada gacanta, dhismaha, toliinka dharka, sameynta agabka guryaha iyo xafiisyada iyo qaar kale si ay ugu shaqeystaan marka ay dhex galaan bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker