GABAY: XINNINYAHA MAS KAA GOO YARKANI WAA XARRIGAYAAYE! By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
Ninka Xabashi beeshii u raray xoolana u raacshay
Een xeerin taariikhdayadii xididka dheeraydba
Ee aan xisaabtaba ku darin xaqayagii baadey
Xarla iyo wixii Geri la dilay xumana loo geystay
Xisbullaahi jeeshkii wixii xididka loo siibay
Jabhadihii xornimada u go’ee xadadka weydaartay
Ee xulafadii Kuuba iyo Ruushku kala xooray
Xarshin oogadeedii Dirkii lagu xasuuqaayey
Xoogaggii Gurgure ee la dhigay xuddunta Mooyaale
Garrihii xarbinayee waqood la xusul daaraayey
Dadkii xoolohoodii la dhacay xaaluf laga yeelay
Xaawalay dhallaan iyo wixii ubad la xuurteeyey
Xayle iyo wixii Minilik baday xirribka Soomaali
Xayawaan sidiisii dadkii xerada loo ooday
Dadkii ay xabaal nololiyeen xamas kaliileedka
Kuwii xadhiga laga soo deldelay xagida guudkeeda
Xabsiyada intii lagu dileen cidi xogtood haynin
Inta xuurtu ay quudatiyo dhidar-xabaaleedku
Xaabadaa ka badan geesiyadii xawda laga gooyey
Nimankay intaasoo xuma ah xeerka ugu taallay
Ee xeebta badaheenna iyo Xamar ku taamaayey
Xaafuunna haybsanahayiyo Xiis iyo Ceelaayo
Ninka yidhi xigaalaynu nahay Xabashi duufleyda
Ee isagu xabiib kaba dhigtee xabadaka saaraayey
Ee xarunta Baxardaar ku furay xeedhyo dhagaraysan
Ee uba xadreeyee isagu xubbi la qiirooday
Ma xusuustii baa laga dhiqiyo xarafkii sooyaalka
Ma xiskii wax lagu garan jiraa yara xawaareeyey
Mise xukunka uu jirinayaa xerada weydaarshay
Mise niman xarfaanaa heloo xeelado u yeedhshay
Xiniinyaha mas kaa goo yarkani waa xarrigayaaaye
Xakamiyo intaan lagu jiq siin koore xabagaysan
Een Xabashi ciil qabaa ku raran dhoomo la xinneeyey
Xigtadiisu waa inay sudhaan xadhig madiidaysan.




