Dalka Hindiya waxaa dood xooggan dhaliyay filim cusub oo ka hadlaya jacaylka dadka da’ dhexaad ah.

Filim dhawaan lasoo saaray oo ay soo bandhigtay shirkadda Bollywood ayaa soo jiitay dareenka dadka shineemooyinka gala ee Hindiya, waxaana jirta in lagu kala aragti qeybsanyahay.

Filimkan oo lagu magacaabo Angrezi Mein Kehte Hain oo micnaheedu yahay (Afka Ingiriiska waxaa lagu dhahaa Waan Ku Jeclahay) ayaa waxa uu ku saabsanyahay lammaane wada jooga oo maraya da’ dhexaadka, waxaana jirta in sayga uu guurka ku qanacsanyahay, balse xaas ay saygeeda ka rabto wax badan, sida jacayl iyo farxad galin.

Atooraha oo ku jilaya magaca Yashwant Batra ayaa ka shaqeeya wakaaladda boostada, halka atariishada oo ku jilaysa magaca Kiran ay tahay guri joog, balse kuma faraxsana guurkooda mudada 25-ta sano soo jiray.

Waxa ay ku noolyihiin magaalada xiimaysa ee ku taala webiga Ganges ee waqooyiga Hindiya, xaaskuna waxa markasta ka hadlaysaa waxa maankeeda ku taagan oo ma ahan mid qarsata waxa caloosheeda ku jira.

Isaga waxa uu qabaa in mar haddiiba uu biilkeeda siinayo, gurina usoo hoydo in intaasi ay ku filantahay xaaska, balse Kiran waxa ay rabtaa waxoogaa ammaan ah, muujin jacayl iyo in waqti lala qaato.

Waa xaajo ugu ku ah aflaamta Bollywood-ka oo inta badan jacaylka lagu matalo dad dhalinyaro ah.

Dadka qaarkood ayaa dhaleeceeyay filimkan, halka kuwa kale ay sheegeen in uu ka turjumayo dhibaato bulshada ka dhex jirta oo u baahan in xal laga gaaro.

Mid ka mid ah dadkii aragtiyada ka dhiibtay filimka ayaa sheegay in dadka intooda badan ay aragti qaldan ka qabaan jacaylka, iyaga oo u maleeya in uu dhex maro wiil iyo gabar oo kaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker