Lix qof Oo Ku Geeriyooday Madheera markii gaadhigii ay la socdeen lagu burburiyey qarax

Lix qof ayaa geeriyooday kadib markii gaadhi rakaab ah oo ay la socdeen uu maanta burburiyey qarax intuu uu socday weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen koox hubeysan, waqooyiga bari ee dalka Kenya, meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay gaadhiga kadib markii uu dul maray miino dhulka lagu aasay, meel 8 km u jirta magaalada Mandhera.

“Lix qof ayaa la dilay intii uu socday weerarka lagu qaaday gaadhiga. Waxaa socda howlgal lagu soo qabanayo kooxda weerarka soo qaaday,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka booliska qaranka Bruno Shioso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker