Puntland oo khasab ku joojisay shir lagu taageerayey dhismaha Khaatumo oo ka dhici lahaa sanaag

Wararka ka imaanaya maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in shir lagu taageeri lahaa dhismaha maamulka khaatumo oo ka dhici lahaa deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag uu baaqday, ka dib markii uu maamulka Puntland uu khasab ku joojiyey.

Arrintan ayaa timid ka dib markii guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland oo hadda ah xildhibaan baarlamaanka Puntland ka tirsan, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, uu halkaa tegey si loogu qabto kulan ay cuqaasha gobolka ku taageerayaan in laga qayb galo dhismaha maamulka Khaatumo ee ay ku baaqday dawladda federaalka Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in halkaa uusan ka dhicin wax iska horimaad ah, shirkii la filayeyna uu baaqday, ayadoo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu magaalada isaga baxay, ka dib markii ciidan ay Puntland u dirtay uu halka gaaray. Cabdirashiid ayey wararku sheegayaan inuu hadda ku sugan yahay tuulada Damala-Xagarre.

Amarka Puntland ku joojisay shirarka

Inkastoo maamulka Puntland uu iska fogeeyey inay joojiyeen shirka ayaa dhinaca kale, gudoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Puntland Axmed Jaamac Badmaax qoraal uu maanta soo saaray wuxuu ku mamnuucay in ‘Shir uusan maamulku ogeyn aan lagu qaban karin magaalooyinka gobolka’.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker