General Nuux Ismaciil Taani inta uu Xilka hayo,Lagama yaabo in Beesha Samaroon Mashruuca Togwajale ay Taako dhul ah ka helaan, Xil ay wajaale ka Qabtaana Hadalkiisaba Daa.Qore by seefta bannaanka
Waxa bilihii ugu dambeeyey Baraha Bulshada iyo Tvyada Madaxabannaan Shirar jaraaid ku soo bandhigayey odayo ka soo jeeda beesha Samaroon, gaar ahaanna Beesha reer nuur,waxana ay ku hanjabayeen in Madaxweyne Muuse biixi uu ka shallaayi doono haddii uu Ciidanka uga Qaadi waayo Mashruuca Togwajale Qaybta uu ciidanka Qaranku degganyahay,waxanay sheegeen in dhulkaasi yahay dhul reer nuur uu lahaan jiray oo xoog lagaga haysto,
Waxa ay sidoo kale sheegeen in Magaalada togwajale tahay Magaalo laba reer ay Wada degaan islamarkaasna Saamigii Beesha Samaroon uu Meesha ka Maqanyahay.
Waxan leeyahay ugu horreyn Abtiyaal Labaatankii Sannoba Marbuu Xannuunkani idinku dhacaa oo aad Sheegataan ilaa iyo ALLEYBADAY,waynu is naqaanaa oo dad wax u kala Qarsoonyihiin Majirto,
Waxa aad aaminsantihiin in Maanta ay ugu dhawdahay in damacaasi idiin suurtoobayo, maadaama Uu dalka Madaxweyne ka yahay Nin sacad muuse ahi taasina la idiinku habran doono,
Abtiyaal Waxad hilmaansantihiin in uu Dalka xukumo Sarreeye Gaas NUUX ISMACIIL TAANI oo aan taako dhul ah oo sacad muuse leeyahay aan Samaroon siin doonin,
Dhici mayso inta uu General Nuux Joogo in damacaasi idiin suurtoobo,
Mashruuca Togwajaalena dadka kama dhexeeyo ee waa dhul jibriil Abokor,waxa kale oo aad ka hadleyseen in Wajaale laba beelood wada degaan oo aad saamigii Samaroon aad doonaysaan, horta waxan idiin sheegayaa in magaaladan deegaankeeda ay iska leedahay Beesha jibriil Abokor ,haddii aad iska jeclaateen in aad sidaasi deegaan ku noqotaan , idiinba diidi mayno haddii la idinka helo Boqol qof oo kaliya oo haysta kaadhkii Dhalashada ee Degmada Togwajaale, qofku meesha uu deegaan ku yahay ayuun buu iska diwaan galiyaa,
Inta General Nuux joogana Ha sugina idinka iyo qayrkiinba in La bedalo Maamulka Degmada Togwajale ee uu gadhwadeenka ka yahay MURSAL NUUX oo uu genanku adeer u yahay, waayo Mursal Nuux waa nin soo halgamay kadib Markii uu birta Dhaafiyey Siyaasigii Ruug Caddaaga Gobolka ahaa ABIIB DIIRIYE NUUR,
Sidaas darteed inta Genenku xilka hayo,
Guddoomiy k/xigeenkuna wuu haynayaa xilkaasi, Arinta Maamulka Togwajalena waxa Madaxweynuhu u xilsaaray General nuux, xattaa Wasiirka Gobolku wax door ah kuma laha Arinta Togwajale iyo Ta Gobolka Gabileyba,
Hadaba waxan idin odhan lahaa Qofka Muuminka ah God laba jeer laguma wada Qaniino,
Horay ayaan u soo tijaabinay Talladii Suldaan Saleebaan halkii ay ku dambeysayna waynu u soo joognay
Markaa Abtiyaal Hanjabaada iska joojiya
Oo dhulkiinu ha idinku filnaado haddii kale
Madaxweyne Muuse iyo Genenkaba waxa ka go’an in aanay dhul sacad muuse taako ka nusqaamin waa go’aan ay beesha wada Qaateen,
Ammaanka dalkana cid la baryayaa ma jirto waayo isaaq baan ka diidnay in kursiga ka laaluushno,
Wabillaahi towfiiq
By muj abdiraxman abdillaahi( seefta bannaanka)




