Dawlado Carbeed oo Taageeray Mawqifka Trump iyo Yuhuudu oo ah in Falastiin la siiyo Yuhuuda

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa soo bandhigay qorshihiisii mudada dheer la sugayey ee nabadaynta Bariga Dhexe kaas oo dhigaya in magaalada Quddus noqoto caasimadda Israel ee aan qaybsamin.

Wuxu soo jeediyey in Falastiiniyiintu yeeshaan dawlad madax bannaan iyo in loo aqoonsado goobaha [Yuhuudda lagu] deegaameeyey ee Daanta Galbeed in ay yihiin qaybo ka mid ah dhulka Israel.

Isaga oo barbar taagan raโ€™isal wasaaraha Israel,Benjamin Netanyahu, oo Aqalka Cad uu ku qaabilay, ayaa Trump wuxu sheegay in qorshihiisu โ€œnoqon karo fursaddii ugu dambaysayโ€ ee Falastiiniyiintu helaan.
Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta, Maxmuud Cabbaas, ayaa ganafka ku dhuftay qorshaas oo ku tilmaanay โ€œshirqoolโ€.

โ€œTrump iyo Netanyahu waxa u sheegayaa in Quddus aanay iib ahayn, xuquuqdadayadoo dhami iib maaha gorgortanna kama galayno. Qorshahaaga iyo shirqoolkaaguna meel mari maayoโ€ ayuu yidhi isaga oo khudbad ka telefishanka laga sii daayey ka jeedinaya magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.

Qorshahan oo ujeedadiisu tahay in lagu soo af-jaro colaadda dunida ugu mudada dheer, ayaa waxa falkiyey wiilka uu Madaxweyne Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner.

Qodobada uguu mudan ee mucda u ah qorshahan nabadda Bariga Dhexe ee Trump waxa weeyi: :

Maraykanku wuxu dhulka Israel u aqoonsan doonaa dhamaan goobaha uu qorshahan Trump ku qeexo in ay qayb ka yihiin Israel. Waxaana ku ladhan qorshahan khariidad haloosi ah oo Trump sheegay in ay muujinayso dhulka Israel diyaarka u tahay in ay ka tanaasusho.

Khariidaddu waxay โ€œlaban laab iyo dheeraad ka dhigaysaa dhulka Falastiiniyiinta oo caasimadiisu tahay bariga Quddusโ€ halkaas oo Trump sheegay in Maraykanku safaarad ka furan doono. Ururka Xoraynta Falastiin ee magaciisa loo soo gaabiyo PLO ayaa sheegay in qorshaha Trump Falastiiniyiinta siinayo wax 15% in yar uun ka badan waxa uu ku sheegay โ€œFalastiin ta taariikhiga ahโ€.

Quddus โ€œwaxay ahaan doontaa caasimadda aan la qaybsamin ee Israelโ€. Israel iyo Falastiiniyiinta labaduba waxay haystaan dood lagu qanci karo oo ay ku sheeganayaan magaalada barakaysan. Falastiiniyiintu waxay ku adkaysanayaan in bariga Quddus oo Israel ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967 ay noqoto caasimadda dawladooda mustaqbalka.

Wuxu fursad u yahay Falastiiniyiinta si โ€œay u helaan dawlad madax bannaan oo ay leeyihiinโ€- hase yeeshee faahfaahin badan ma bixinayo.

โ€œFalastiiniyiinta iyo Israeli-yiinta toona laga kicin maayo goobaha ay deganyihiinโ€ taas oo sheegaysa in goobaha Yuhuudda lagu deegaameeyey ee Daanta Galbeed ee Israel haysataa sidooda ahaan doonaan.

Israel waxay Boqorka Urdun kala shaqayn doontaa sidii loo xaqiijin lahaa in ay xeerka haantan lagu maamulo goobaha barakaysan ee Quddus ku yaal ee Yuhuuddu u tagaan Temple Mount, Muslimiintuna u yaqaanaan Al-Xaram Al-Shariif sidiisa uu ahaado. Urdun ayaa maamusha ururka maamula goobahaa diimeed ee halkaa ku yaal.

Dhulka khariidadda Trump u qoondaysay Falastiiniyiintu โ€œwuxuu muddo afar sannadood ah ahaan doonaa dhul bannaan oo aan waxba laga dhisi karinโ€. Mudadaas Falastiiniyiintu waxay darsi doonaan qorshahan oo waxa wada xaajood la geli doonaan Israel ay โ€œku buuxinayaan shuruudda ay dal ku yeelanayaanโ€.

Masar oo qorshahan Trump ka hadashay ayaa sheegtay in ay qadarinayso dedaalka maamulka Maraykanku ugu jiro โ€œsidii xal waara oo cadaalad ah looga gaadhi lahaa qadiyadadda Falastiinโ€.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada ee dalkaas ayaa lagu sheegay in Masar โ€œlabada dhinac ee arintu dhex taallo ku tirtirsiyeyso in ay si degan u daraaseeyay aragtida Maraykanka ee nabadaynta oo ay dhan walba ka eegaan iyo sidoo kale in ay abuuran fursan dib loogu bilaabo wada xaajodka Maraykanku ka odayeynayo.โ€

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker