Heego iyo HabarGidirtii Budhcadbadeedka ka toobad keentay oo miiska hoostiisa wax iskaga dhiibay …. Se Arrin Yahay?!

Fatwa aan cidi u diran oo ay soo sareen Dulmidiid kadib markay darseen cadhada Allah ee ka dhalan karta in xoolo xaraan ah Xajka uu ku tago Imaamkii ama horjoogihii Ummadu , Cadhadaa Allah oo Somaliland ku habsan karta waxay garteen inay faraan horjoogaha Heego Jaalle Muuse Pilot inaanu ku tegin lacag isagu uu leeyahay XAJKA  ee uu ku tago mid lagu tabarucay ooy ku tabaruceen shirkadaha sida Dahabshiil , Somtel iyo inta xalaasha quutada iskana ilaaliyo inuu isticmaalo siiba lacagta budhcad badeeda beelweynta Habargidir  ee la yidhi iyadoo Dollar ah oo jawaano lagu sido ayaa lasii galinayey xalay gurigii hore ee Generaal Morgan Hargeysa ku jiri jiray iyadoo aan waxaa iyo canshuurta DANYARTA  ee la xadayo laga Xajiyi karin  waayo inaLaah dayb la yaqbal ilaa dayib  Eebuhu waa wanaagsane wax wanaagsan uun buu aqblaa………..

عن أبي هريرة t قال: قال رسولُ الله ﷺ: إنَّاللهتعالىطيبلايقبلإلاطيبًا،وإنَّاللهأمرالمؤمنينبماأمربهالمُرسلين؛فقالتعالى: يَاأَيُّهَاالرُّسُلُكُلُوامِنَالطَّيِّبَاتِوَاعْمَلُواصَالِحًا [المؤمنون:51]،وقالتعالى: يَاأَيُّهَاالَّذِينَآمَنُواكُلُوامِنْطَيِّبَاتِمَارَزَقْنَاكُمْ [البقرة:172]، ثم ذكر الرجلَ يُطيل السفر، أشعث، أغبر، يمد يديه إلى السماء: يا رب، يا رب، ومطعمه حرام، وملبسهحرام، وغُذي بالحرام، فأنَّى يُستجاب له؟! رواه مسلم.

Nin la yidhaah Mohamed Abdi Hassan loona yaqaan Afweyne  caalamkana looga yaqan ” Big Mouth ” ku dhashay Xaradheere ka sameeyey budhcad badeed la yaab leh oo la yidhaah Hobyo-Xaradheere , ninkaa odayga ah intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2011 lacag culus ayuu ka qabtay budhcad badeedka isagoo wiil hoog  loo taag la’ayahay ah ayuu isku doontay markab aan waxba sidin oo ah “dredge vessel”  la yidhaah Pompei  ha ku khaldin magaca Wasiirka kharajiga Maraykanka Mike Pompeo isba waa markab kale lakiin kan maha , “dredge vessel “ waxay ka dhigan tahay  markab dhooba qaad ah waa markiibta bada qoda hunguri wadkii ma arko lakiin markabkaa inuu wax ka dayo may ahayn oo uu Belgium faraha la galo oo markabka lahayd hadaad Afrikaan tahay waa la iska ilaaliyaa inaad ku gardarootid Faransiiska iyo Belgium way kusoo helayaan……Yeelkeede

Ninkii Jaalle Mohamed Abdi Hassan Afweyne  iyo Saxiibkii Jaalle Tiicay waxay dawlada Belguim daba socotaba waxay ugu dambeystii ka dhaadhicyeen inay rumaysteen inuu  Jaalle Mohamed Abdi Hassan Afweyne ka toobad keenay budhcad badeedii wiilkiisa Jaalle Cabdiqaadir Mohamed Abdi ku wareejiyey arrimihii budhcad badeedka isna yahay nin baayacmushatari ah oo xalaal quute ah markay halkaa marayso Sheekh Xasan Aweys  حفظه الله ورعاه wuxuu odhan lahaa Yaa Yaa dheeshaas intee laga dhelaa waar ninkii Belgium dhulkay isku dhigeen ileen meeshu waa “Sting operation” ee waa dabin markaa dawlada Belgium waxay Jaalle Mohamed Abdi Hassan Afweyne ka dhaadhiciyeen adigoo iminka ah Tujaar xalaal ah bal kaalayo nooga waran ayaamihii Budhacadbadeedka wadjirna aynu film la tartama kuwa Hollywood aynu ka sameyno adigu “Black Hawk Down ”  camal waar ninkii Jaalle Mohamed Abdi Hassan Afweyne iyo saxiibkii Tiicay iyakoo si weyn u qoslaya ayey ka dageen Brussels Belgium Bishii Oktober 2013 markay madaarka so galeen baa jeelka loo taxaabay Jaalle Mohamed Abdi Hassan Afweyne  iyo saxiibkii waxa lagu xukumay  bishii March 2016 20 sanadood oo xadhiga iyo Jaalle Tiicay oo shan sanno lagu xukumay…

Jaalle Farshaxan Amiin Caamir ayaa sheekadii u qaadan waayey markaa sawir buu ka sameeyey inuu maleeyo waxay is lahayeen Jaalle Mohamed Abdi Hassan Afweyne iyo saxiibkii Tiicay  markii la jeebeeyey madaarka Brussels Belgium ee jeelka la geeyey , Sawirka markaa iyakoo jeebaysan ayuu Jaalle Mohamed Abdi Hassan Afweyne wadiinayaa Saxiibkii Jaalle Tiicay Ar eebow sawnakii film-ka u nimi xaytahay saan markaasu u jawabayaa Jaalle Tiicay isagoo leh war naga shib dheh film-ka waa bilowday ee ma ogidoo film-ka anakoo xiran aw ku bilaabmaa …….. Waar nimankii film kale ayaa u bilaabmay….

Iminka shirkan Madaxtooyada Somaliland uga socday faliirka Habar Gidirta ah ee budhcadbadeedka budhtuurka u ahayd ee ka toobad keentay iyo Heego ma waxa weeye  Film -kii  Midnimada Somaaliya oo ku bilaabmaya maxabiis is waydaarsi ………Lakiin muxu  Madaxweyne ku xigeen Jaalle Saylici Film-ka uga maqnaaday  ma kistaan wax looga dhiibin mise waa lagu yareeyey mise wax la ogyahay in marka horeba gobolada Awdal Iyo Selel ay u taagan yihiin midnimo Somaliyeed  oo sheekadu waxay noqonaysaa ku celcelin  التكرار يعلم الحمار  ku celcelin baa dameer wax lagu baraa dameer haday maqlaana Hawiyaha didi doona markaa si aan hawlaa baaxada leh aan loo gelin buu u maqnaaday Jaalle Saylici …….

Waar kii Al-fanaan  Maxamed Siciid B.K  ku dhaha Risiq baa kugu seegay Xamar -tii aad hadalka kula dul kuftay ee wataa Dollar -ka u keentay Heego waar orodoo Dollar budhcada wax ka doono adba budhcad kalaad tahaye …

Xusbad yaroo deg deg ah su’aashu waxay tahay waar Somaliland shuqul kuma laha Budhcad badeed ee maxa maxabiistan keenay ? Muwaadin  xukuumadii Kulmiye ee AL-Xaaji Axmed Silaanyo ka xanuusaday iyadoo Dollar raadinaysa ayey lagashay sheekadu inay dalal badan oo caalamka ah oo budhcad badeed Somaliyeed haya inay ku yidhaadaan soo xawila maxabiista si kharash looga helo beesha caalamka , dalal badani way ka diideen sida India , qaar Europe ah , Kenya lakiin qaar baa ka ogolaaday sida dawlado Carbeed iyo the Seychelles Islands….. Heego na level- kii ayey kor u qaaday lacagtii beesha caalamka iyo tii budhcad badeedka toobad  keentay ayey doonayaan inay isku ritaan waa “double dealers” waa laba eef waa tabtii imtixaanka shaqo qaran waan kula galayaa imtixaanka mid heego u gaar ahna waan sameysanayaa …….

Kuwani  odayashii  Hawiye maahan waa qolada kor ku xusan  waa Habargidir sooca odayashii Hawiye shir bay ku jiraan Xamar albaabadu u xidhan yihiin dilkii Gudoomiye Yariisow ( AHUN ) kadib , talow Odayaasha ma la socdaa Jaalle Cabdiqaadir Mohamed Abdi Hassan Afweyne wiilka Jaalle Mohamed Abdi Hassan Afweyne taasi waxay noqon lahayd, Hit…… Se ma la socdaan cid dilkii Gudoomiye Yarisow ( AHUN ) wax ka ogi  Cilmu cinda Laah Ilaahay ba ina og lakiin waa arrin u fiirsasho mudan…..

Kuwa Kontaynerka Hargeysa ku xidhan qolada carpet – ka cas daawata ee waxooda la cunayo hadhawtana sida xaywaanka is laaya la odhanayo gobolada bariga ayaa waxa laga dhaadhicinayaa in kuwani Hawiye yihiin oo Darood iyo Jaalle Farmaajo lagu dirayo markaa waxaan soo xasuustay nin wariye ah oo nin Abgaal ah oo  xamar kasoo wacay waraysanaya  dhawr asbuuc ka hor Wariyuhu waa Somalilander Isaaq ah wuxuu waydiiyey  ninkii  Beelweynta Abgaal  ahaa waaryee Hawiyow waar yaa Abgaaal Cismaan iyo intii Hiraab ah waakii idin lahaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe  dila oo guba Darood ee ma hawlgalaysaan  intuu aamusay wiilkii Abgaal oo uu qiirooday ayuu ku jawaabay  Walaalow labada damood ee Hargeysa biyaha mawada cabto  markaa ninka Walaalkii biyaha u diiday aniga Walaalkay iguma diri  karo  Darood waa Walaalahayo  , Ina Rag la ogaayo Walaal wuxuu ku dhaamo la waa ….

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker