Iran ma weerari doontaa jasiiradda aan rayidka loo ogolayn ee Diego Garcia
Dhawaan ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in lix ka mid ah diyaaradaha wax duqeeya ee Maraykanka ee B-2 la geeyay jasiirad fog, nabad ah, oo qurux badan oo ku taal badweynta Hindiya taas oo ka mamnuuc ah qof kasta oo rayid ah.
Wararka ayaa sheegaya in jasiiraddaasi ay noqon karto “bartilmaameedka gantaalaha” ee Iran haddii ay sii xumaato xiisadda u dhexeysa iyada iyo Mareykanka.
Diego Garcia waxay hoy u tahay saldhig milatari oo ay wadaagaan Ingiriiska iyo Maraykanka. Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa sheegtay in saldhigan ay gaari karaan “gantaalada riddada dhexe ee Iran iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn”.
Maalmo ka hor, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wareysi uu taleefoonka ku siiyay NBC ku sheegay in Iran la weerari doono haddii aysan heshiis cusub oo Nukliyeer ah la gaarin Mareykanka. Waxa uu carabka ku adkeeyay haddii ay nala heshiin waayaan in la soo weerarayo, gaar ahaan qaab aysan horay u arag.
Haddaba, laanta Persia ee BBC waxay ku ogaatay falanqaynta sawirka dayax-gacmeedka in intii u dhaxaysay Maarso 22, 2025, iyo Abriil 2, in lix dayaaradaha wax bam gareeya ee B-2 ah iyo lix B-52 ah la geeyay saldhigga milatari ee Diego Garcia.
Saraakiisha Mareykanka ayaan si rasmi ah u shaacin in diyaaradahan loo daabulay Diego Garcia iyo sababta ay sidaas u sameeyeen, waxaana taliska ciidamada Mareykanka uu sidoo kale sheegay in aysan ka hadlin dhoolatuskooda iyo howlgaladooda.
Iyadoo baaraysa sawirada dayax-gacmeedka, ayaa BBC-da waxay go’aamisay in u daabulidda diyaaradaha dagaalka Diego Garcia ay bilaabatay 25-kii Maarso, markaasoo kow iyo toban dayaaradaha B-52 la geeyay saldhigga.