Trump oo hakiyay hubka uu Mareykanka siiyo Ukraine

Aqalka Cad ayaa xalay ku dhawaaqay in madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarkii millatari ee ay Dowladda Mareykanka siineysay Ukraine.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu amar ku bixiyay in la hakiyo dhammaan gargaarka militari ee uu Mareykanka siin jiray Ukraine.
Sarkaal aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay ayaa sheegay in gargaarka la siiyo Ukraine ay dib u eegis ku sameyn doonaan, si loo eego haddii ay ka qeyb qaadaneyso xal u helida dagaalka lagula jiro Ruushka.
Isniintii shalay , ayuu madaxweyne Trump sheegay in heshiiska macdanta naadirka ah ee Ukraine ay muhiim u tahay sii wadista kaalmada uu Mareykanka siiyo Ukraine.
Faah-faahin dheeri ah oo arrintan ku saabsan ayuu tilmaamay in uu kaga hadli doono khudbadda la wada sugayo ee uu madaxweyne Trump caawa kula hadli doono xubnaha labada aqal ee Koongareeska Mareykanka.
Xiisada u dhaxaysa Washington iyo Kyiv ayaa sii xoogaeysnaysa maalin-ba maalinta ak dambeysa.
Madaxweyne Trump iyo la-taliyayaashiisa ugu sarreeya ayaa sii waday dhaleeceynta adag ee hoggaamiyaha Ukraine, iyagoo xitaa soo jeedinaya inuu iscasilo.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaad dhaleeceeynu jeediyay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ka dib markii uu sheegay in dhamaadka dagaalka Ruushka uu yahay mid aad iyo aad u fog.
Hakinta gargaarka hubka Mareykanke ee Ukraine ayaa imaneysa maalmo yar kaddib, marki ay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ukraine hadallo kul-kulul isku weydaarsadeen xafiiska madaxtooyada ee Aqalka Cad, xilli ay masโ€™uuliyiinta hor joogeen kaamirooyinka telefishanada caalamka.
Madaxweyne Trump ayaa riixay in si dhaqso ah loo soo afjaro dagaalka Ukraine iyo Ruushka, halka madaxweyne Volodymyr Zelenskyy uu muujiyay cabsi ah in xalka Trump ee joojinta dagaalka uu guul siinayo Ruushka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker