Dawlada Phillippines oo Gabi ahaanba joojisay Xulufadii dhanka Milatariga ee ay la lahayd Dalka Maraykanka

Dowladda Philippines ayaa si rasmi ah Mareykanka ugu wargelisay in aysan cusbooneysiin dooniin heshiiska dhanka ammaanka ee ay wada galeen labada dal.

Heshiiskaas ayaa ciidamada Mareykanka u oggolaanayay   inay ku Tababartaan gudaha dalka Philippines, ayna dhoolatus wadajir ah la sameeyaan ciidamada milateriga ee Philippines.

 

 

 

Madaxweynaha dalka Philippines, Rodrigo Duterte ayaa horay ugu hanjabay in uu ka weecan doono Xidhiidhka taariikhiga ah ee uu la lahaa Mareykanka, waxaana uu intaa raaciyay in uu la shaqeyn doono Shiinaha.

 

 

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Philippines ayaa bartiisa Twiter-ka ku qoray in ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan xilliga uu ku Egyahay heshiiskii dhanka ammaanka la siiyay Dowladda Mareykanka.

 

 

Ogeysiiska la siiyay Mareykanka ayaa ka bilaabanaya xilliga la siiyay, wuxuuna ku egyahay wakhtiga uu dhacayo heshiiskii hore ee ay wada galeen.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in arrintan ay saameyn doonto xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Bishii lasoo dhaafay, madaxweynaha dalkaas, Rodrigo Duterte ayaa ka digay in uu burburin doono heshiiska dhanka amniga ee ay wada galeen Mareykanka, kadib markii Mareykanku uu dal ku gal u diiday dad ay saaxiibo yihiin Madaxweynaha.

 

 

Ninka dal ku galka loo diiday oo lagu magacaabo Ronald dela Rosa ayaa lala xiriirriyay ololihii ka dhanka ahaa maandooriyaha, kaas oo kumanaan qof oo lagu eedeeyay inay ka ganacsadaan daroogada lagu laayay.

Madaxweynaha aana gabanin ee dalkaas ayaa dhowr jeer ka hadlay mustaqbalka heshiisyada ay dalkiisa wada galeen Mareykanka tan iyo markii uu awoodda yimid sanadkii 2016-ka.

 

 

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysay inay ballaariso saldhiga ciidan ee ay ku leedahay dalka Philipines Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ayaa horay u sheegay in xukuumadda Washington ay halkaas ka dhisi doonto garoomo milateri, guryo iyo xarumo ciidan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker