Haweeney xabsi ku jirta oo u dhalatay Iiraan oo ku guuleysatay billadda Nabadda ee Nobel Prize

Biladda Nabadda ee Nobel Prize waxaa sanadkan 2023-ka ku guuleysatay haweeneyu dhalatay dalka Iiraan oo lagu magacaabo Narges Mohammadi, taas oo u ololeysa xuquuqda haweenka oo haatan ku xiran xabsi ku yaala magaalada Texraan.

Guddiga ayaa sheegay in la gudoonsiiyay biladdan nabadda maadaama ay u dagaalameysay xuquuqda haweenka reer Iraan iyo halganka ay u gashay inay helaan xuquuqdooda iyo xoriyaddooda.

Biladda ay ku guuleysatay ayaa imaneysa iyadoo in ka badan muddo hal sano ah oo ay ka soo wareegtay dibedbaxyo hareeyay dalkaas oo ay hogaaminayeen haween.

In ka badan 350 qof ayaa u tartameysay abaalmarintan nabadda, kuwaas oo u badan kooxaha u olololeeya xuquuqda haweenka, isbedelka cimilada iyo kuwa kale.

Biladdaas ayaa la gudoonsiin doonaa bisha Diisembar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker