Lix Musharax Oo U Taagnaa Xilka Madaxweynaha Puntland Oo tanaasulay+ Sababta Iyo Cidda Ay Utanaasuleen.

Garoowe-(OWN)-Illaa Lix Musharax oo ka mid ahaa Musharaxiinta u taagnaa xilka Madaxweynaha Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay inay tanaasuleen, kaddib shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Garowe.

Musharaxiintan ayaa sheegay inay u tanaasuleen markii ay arkeen duruufaha adag uu ku sugan yahay Puntland iyo faragelin ay sheegeen in lagu haayo doorashada.

Waxaa ay sheegeen in codkooda ay ku biirinayaan saddex musharax oo kala ah Saciid C/llaahi Deni, C/samad Maxamed Galan iyo Daahir mire Jibriil.

Mid ka mid ah Musharaxiinta tanaasulay oo lagu magacaabo C/risaaq Jaamac Janagale ayaa sheegay in codkooda iyo cududooda ku mideynayaan sidii uu is bedel uga dhici lahaa Puntland oo aanay mar dambe xukunka ku soo laaban Madaxweyne C/weli gaas oo ah Musharax.

Musharaxiinta tanaasulay ayaa waxay kala yihiin:-

1- Maxamed Salaad Qoryooley

2- C/risaaq C/llaahi Jaamac Janagale

3- Cali Axmed Gamuuti

4- C/xakiin Cabdi Xaashi

5- C/llaahi Jaamac Salaad

6- C/weli C/raxmaan Gayre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker