Malawi oo dalkeeda uga dhawaaqday xaalad masiibo ah

Malawi ayaa dalkeeda uga dhawaaqday xaalad masiibo ah oo ka dhalatay abaar daran oo saameysay inta badan dalka.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar hal bil ka dib markii dalka ay jaarka yihiin ee Zambia ay ku dhaqaaqday mid la mid ah.

Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa codsaday in ka badan $200m (£158.5m) oo gargaar bini’aadantinimo ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa sheegtay in dhowr waddan oo ku yaalla koonfurta Afrika ay qarka u saaran yihiin masiibo gaajo ah, sababo la xiriira saameyn ka dhalatay cimilada El Nino.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker