Dawlada Soomaaliya Oo Is Hortaagtay Musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur
Muqdisho (OWN) – Dawladda Soomaaliya ayaa ka hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota.
Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah.
Aqri War-saxaafadeedka Is-hortaaga Dawlada.