Hirshabeelle oo shaqada ka cayrisay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdillaahi Sufurow

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ka qaaday Cabdillaahi Maalin Sufurow oo xilkaas hayay tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Beledweyne laga saaray maamulkii taageersanaa Hirshabeelle, kaddib markii uu dagaal culus la galay maamulka kale ee la baxay Hiiraan State.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan, waxana lagu magacaabaa Muuse Salaad Weheliye.

Lama garanayo sida gudoomiyaha cusub uga shaqeyn karo magaala madaxda Beledweyne, maadaama ay gacanta ku hayaan maamulka didan Hirshabeelle ee Hiiraan State.

Khilaafka ka taagan Gobolka Hiiraan ayaa muddaba soo taagnaa, waxana waxgaradka deegaanku saluug san yihiin habka awood qaybsiga ee maamulka Hirshabeelle

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker