Xuutiyiinta oo sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriisku ay 48 weerar oo cirka ah ku qaadeen dalka Yeman

Afhayeenka Milatari ee kooxda Ansaarullah ee Xuutiyiinta Yeman Janaraal Yaxye Sariic ayaa sheegay in diyaaraddaha dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Ingiriisku ay 48 weerar oo xagga cirka ah ku qaadeen, saacaddihii hore ee habeenimadii Axadu soo galaysay, deegaanno kala duwan oo ka tirsan dalka Yeman.

Sariic waxa uu intaa ku daray “13 weerar waxa lagu qaaday gudaha caasimadda iyo gobolka Sanca, 9 weerar waxa lagu qaaday gobolka Xudeyda, 11 weerar waxa lagu qaaday gobolka Tacis, 7 weerar waxa lagu qaaday gobolka Baydaa, 7 weerar waxa lagu qaaday gobolka Xijah, weerar kalena waxa lagu qaaday Sacda”.

Janaraal Sariic ayaa sheegay in weerarradan aanay ka niyad jabin doonin mowqifkooda “akhlaaqeed, diineed iyo aadaninimo ee ay ku taageerayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Qasa, mana dhici doonto jawaab iyo ciqaab la’aan”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker