Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhex lugeeyey jidka laamiga ah isku xidha Hargeysa Iyo Magaalada Baligubadle,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta masaafo dheer lugeeyey jidka laamiga ah isku xidha caasimadda Hargeysa iyo Magaalada Baligubadle, isagoo aan wadan wax ilaalo ah oo mashquuliya, taasi oo tusmaynaysa nabadgelyada buuxda ee ka jirta JSL oo aan dhici karin dalal la deris ah Somaliland.
Dad si kadiso ah jidkaas ugula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu madaxweynuhu tallaabo dheeraynayey oo uu si kalsooni leh iskaga socday Waddadaas.
Waxa kaloo la tilmaamay in madaxweynuhu dadka dariiqa marayey iyo kuwa gaadiidka saarnaa labada uu salaamayey, qaarna u gacan haadinayey, kuwaasi oo jeclaystay in madaxweynahoodu uu ummadiisa dhex maro si uu indhihiisa ugu soo arko baylahda iyo badhaadhaha labadaba. waxa uu la shaaheeyey dad fadhiyey kaantaroolka laga soo galo Magaalada Hargeysa ee yaalla jidka Baligubadle. Waxa kaloo uu qadar kubad la ciyaaray kooxo dhallinyaro ah.
Ma aha markii u horreysay ee Md. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ay kamaraduhu qabtaan isagoo si caadiya u dhex socda bulshada, gaar ahaan goobaha barkulanka dadweynaha.
Saxaafadda bulshada sida facebook-ga ayaa aad loogu falanqeeyey sawirka socodka madaxweynaha ee galabta, waxana rayul-caamka bulshadu ay ku diirsadeen in madaxweyne Muuse Biixi laasimo inuu dhex socdo xili kasta bulshadiisa,waxana dadka fikirkaas qabay ay ku doodayaan inay tahay hab uu si fudud ku kasban karo inuu talooyin ka helo bulshada uu u adeegayo.


Sidoo kale, waxa jiray dad qaar ku talinayey inuu gobollada dalka ku tago safarro kadis ah oo uu ku dersayo waaqica dhabta ah.
Dadka wax fallanqeeya ayaa qaba in nabadgelyadu tahay hantida ugu qaalisan ee shacbiga Somaliland ku naaloonayaan sidaas darteedna, dawlad iyo shiciba loo baahan yahay in la xoojiyo oo laga wada shaqeeyo adkeynta nabadgelyada oo fure u ah isbeddel kasta iyo horumar walba oo ay Somaliland gaadhay rubuc qarniga ay xornimadeeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya.
