Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo ka hadlay xaaladda banii’aadanimo ee Soomaaliya

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Soomaaliya James Swan oo shalay ka qeyb galay shir ay yeesheen Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay Xaaladda bani’aadannimada ee Soomaaliya.

James Swan ayaa waxaa uu sheegay inay weli aad u liidato Xaaladda Arrimaha Bani’aadannimada ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana dadka danta yar ay u baahan yihiin Gargaar.

Mr Swan ayaa tilmaamay in 19 boqolkiiba Qorshaha ka Jawaabidda Xaaladda Bani’aadannimada ee sanadka 2021 loo helay lacag, iyadoona in ka badan saddex-meelood meel dadku ay u baahanyihiin Gargaar

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Soomaaliya ayaa dowladdaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ka codsaday in ay bixiyaan tabarucaad dheeri ah oo lagu caawinayo dadka u baahan Gargaarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker