QM oo Dalka Koofurta Suudaan saaraysa cuna-qabataynta dhinaca Hubka ah

New York-(OWN)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay Maanta oo Jimca ah u codeeyaan qaraar uu horay ugu gudbiyay Maraykanka oo ku saabsanaa in Dalka Koofurta Suudaan lagu soo rogo cuna-qabatayn xagga Hubka ah.

Tallaabadan ayaa la sheegayaa iney ka dambaysay markii loo caalwaayay dagaallada sokeeye ee muddada Shanta Sana ah ka socda halkaasi iyo xaaladda Bini’aaddannimo oo hadba kasii daraysa.

Dalabkii Mareykanka ee ahaa in lagu soo rogo xayiraadda Hubka ee Bishii Disembar 2016 ayaa ku guuldareystay inuu helo codad ku filan, balse Diblomaasiyiin ku dhow dhow kulanka Maanta ayaa raja ka muujinaya inuu meel mar noqdo qorshaha uu Maraykanku ugu ololeynayo Cuna-qabataynta Hubka ee Koofurta Suudaan.

Tan iyo markii ay Suudaanta koofureed ka go’day Suudaan inteeda kale Fepruary 2011-kii waxay marti gelisay shaqaaqooyin siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye, waxaana laga yaabaa inay cuna-qabatayntan cusubi xakamayso dirirta iyo barakaca halkaasi ka taagnaa Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

The Star

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker