Daawo Netanyahu Oo Ay Ka Fakatay Sir Ay Reer Galbeedka Iyo Yuhuudu Qarin Jireen

Sirtii muddo caalamka laga qarinayey ee ahayd in Israel ay haysatio hub Nukliyeer ah, ayaa si lama filaan ah uga soo baxsatay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

 

Netanyahu oo ka hadlayey Tel Aviv ayaa sheegay in Israel ay tahay quwad Nukliyeer, ka hora inta uusan isku nixin, isaga oo ceeb dareemayana si kale u dhigan sheekadaas.

 

Waxaa aad loo rumeysan yahay in Israel ay tahay quwad Nukliyeer, hase yeeshee marnaba ma aysan xaqiijin ama beenin, ayada oo sanado badan adeegsaneysay siyaasad ah inaysan ka hadlin arrintaas.

 

Hase yeeshee, Netanyahu oo ka qeyb-galay kulankii golaha wasiirada ee toddobaadkan, ayaa isaga oo luuqadda Hebrew-ga ku Akhrinaya heshiis gaas oo dhex maray Israel iyo Qubrus, ayaa si lama filaan ah u kashifay sirtii Yahuudda iyo Reer Galbeedka ay muddo qarinayeen.

 

β€œMuhiimadda mashruucan waa inaan Israel u rogeyno quwad Nukliyeer” ayuu yiri Netanyahu, hase yeeshee kadib deg deg isku qabtay isagoo u beddelay β€œWaxaan ka wadaa quwad tamar”.

 

Netanyahu ayaa kadib xoogaa aamusay, kadibna sheegay inuu qalad sameeyey, wuxuuna guda galay inuu sii faah-faahiyo heshiiska Israel iyo Qubrus.

Qirashada gefka ku dhacday ee Netanyahu ayaa durba qabsatay baraha bulshada, oo aad looga hadal hayaa.

 

Haysashada Nukliyeerka ee Israel ayaa aad loo rumeysnaa sanado badan, hase yeeshee sababo la xiriira taageerada Mareykanka iyo cabsida Yurubta ee Mareykanka, marna ma jirto cid ku dhiiratay inay dalbato baaritaan lagu sameeyo.

 

 

https://youtu.be/J0L6WKPx2_M

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker