Hooyo ku Gowracday Shan Caruura Oo ay Dhashay Magaalada Solingen Ee Jarmalka.

Shan carruur ah ayaa meydadkooda laga helay guri ku yaal galbeedka Jarmalka iyadoo booliska uu sheegay in caruurta ay hooyadood leysay kadibna ay ku dhaqaaqday talaabo ay nafteeda ku dili rabtay inkastoo ay ka badbaaday.

 

Caruurtan ayaa laga helay guri ku yaal magaalada Solingen ee gobolka North Rhine-Westphalia, booliska ayaa u xaqiijiyey wakaaladda wararka ee AFP dilka caruurtan inkastoo aysan ka bixin wax faahfaahin ah.

Waxay ahaayeen hal sano jir, labo sano jir, saddex sano jir , lix sano jir iyo siddeed sano jir, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargayska Bild daily.

 

Hooyadan ayaa markii dambe isku tuurtay tareen socda hortiisa laakiin way ka badbaaday inkastoo dhaawacyo halis ah ay soo gaadheen.

Ayeeyada caruurtan ayaa wacday booliska waxayna ku wargalisay in gabadheeda oo 27 jir ah ay leysay shan ka mid ah caruurteeda ayna suura gal tahay inay disho cunug kale oo ay la baxsatay.

 

Balse Wiilka laga cabsi qabay iney hooyadan disho oo 11 sano jir ahaa ayaa markii dambe la helay isagoo aan wax dhaawac ahi gaadhin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker