Beljamka oo xidhay laba tuhmanayaal midigta-fog ah oo looga shakiyay in dhib soo wadeen

Booliska la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ee dalka Belgium ayaa xabsiga dhigay labo nin oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda midigta-fog oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen weeraro bambaanooyin iyo rabshado.

Labadan qof oo kala ahaa nin iyo naag da’doodu ka yar tahay 20-sano jir, ayaa la soo qabtay ka dib markii Booliskii ay baaritaano xiriir ah ku qaadeen guryo ku yaalla Diepenbeek iyo Ostend, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Mid ka mid ah guryahaas waxaa ku jiray tiro badan oo ah xusuusta Nazi iyo calamo, ayay raaciyeen booliska.

Eedeymaha loo soo jeediyay labadan nin waxaa ka mid ah “in ay qorteen dad ujeedkoodu yahay in ay galaan dambiyo argagixiso”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker