Maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo 2 qof xukun dil ah ku riday

Xukunno dil ah oo lagu riday dad ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ay ka tirsanyihiin AL-shabaab oo dilal ka fulisay magaalada Gaalkacyo.

Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayay dowladda sheegtay inay ka mid ahaayeen koox ka kooban Lix ruux oo dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ka fulisa Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Sida lagu daabacy bogga rasmiga ah ee telefeshinka dowlada Soomaaliya Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood).

Halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) ooahaa horjoogihii kooxdan isagana lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ee ay soo qaateen qareenada 24-tii bishaan. Maxkamadda sare ayaaugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Soomaaliya,Sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker