Arsene Wenger Oo Hal Eray Ku Sharraxay Sababta Aysan Liverpool Ugu Guuleysan Karin Horyaalka – Miyuuse Hoos U Dhigay Awoodooda?
Tababarahii hore Arsenal – Arsene Wenger – ayaa aaminsan in “qadarka” uu sabab u noqon karo in Liverpool ay ku dhameysato meel ka hooseysa Manchester City xilli ciyaareedkaan kala sarreynta horyaalka Premier League
Reds ayaa ku raaxeysaneysa fasal ciyaareedkii ugu fiicnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, balse waxey hal dhibic ka hooseeysaa kooxda difaacaneysa horyaalka, balse wax walba ayaa isku badali kara labada kulan ee ka harsan horyaalka.
Jurgen Klopp iyo wiilashiisa waxey aruursadeen 91-dhibcood, waxeyna noqon doonaan kooxdii ugu horreysay ee dhaafta 90-dhibcood balse aan ku guuleysan horyaalka.
Inkastoo Manchester City ay kufi karto kulamada u haray, hadana Arsene Wenger ayaa aaminsan in Reds ay dhibco lumin karto marka la eego kulamada u haray.
“Wali waxaa jirta rajo, balse waxey aadayaan Newcastle. Magpies-ka ma ahan koox u jilcan Reds” ayuu yiri Arsene Wenger.
“Waan u cabsi qabaa Liverpool, xitaa iyadoo Man City kulan gacanta ku heysata iney u dabaal dagto, balse wey dagaalami doonaan ilaa dhamaadka”
“Waxey u muuqataa iney jirto qadar kasoo horjeeda Liverpool”
“Mar walba wax yar ayaa dhibaato ku noqda” ayuu yiri Wenger.