Kulanka Putin iyo Kim Jong-Un oo soo dhamaaday
Waxaa goor dhow soo dhamaaday kulan fool ka fool ahaa oo u dhaxeeyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un.
Kulankooda ayaa socday muddo laba saacadood ah, sida laga soo xigtay warbaahinta Ruushka. Ma jiro wax heshiis dhanka hubka ah oo ay gaareen labada dhinac, balse Putin ayaa sheegay inuu Kuuriyada Waqooyi ka caawin doono dayax gacmeedyada.
Hogaamiyaha kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa madaxweyne Putin ku war geliyay inuu taageerayo duulaanka Ruushka ee Ukraine.
“Kuuriyada Waqooyi way taageereysaa dhamaan go’aamada Putin”, ayuu intaa ku daray.