Muxuu yahay Shirweynaha Caalamiga ah ee Somaliland looga Xushay Dalalka Geeska Afrika?

Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay shir caalami ah oo lagu lafo-gurayo, lagagana doodayo nabadda iyo dawlad-dhiska, kaas oo uu soo qabanqaabiyey machadka BRENTHURST Foundation oo xaruntiisu tahay waddanka Koonfur Afrika.

Shirkan oo Sannadkan ay Somaliland marti-gelisay oo diiradda lagu saaro Amniga iyo dawlad-dhiska, kana mid ah barnaamij lagu falan-qeeyo ammaanka qaaradda Afrika (African Security Dialogue) isla markaana laguna casuumo waddamada Afrika ee muhiimka u ah arrimaha amniga, waxa ka soo qayb-galay aqoonyahanno, siyaasiyiin, cilmi-baadheyaal, saxafiiyiin iyo haldoor kale oo ka kala yimi ugu yaraan 17 waddan, waxaana muddada uu socdo lagu faaqidi doonaa arrimaha muhiim ah u amniga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker