Madaxweyne Biixi Oo La Weydiiyey Sida uu U Arko Xadhiga Boqor Buur-madow Oo Xukun Maxakamadeed Ku dhacay

Hargeysa(OWN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xadhiga boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow.

Madaxweyne Muuse Biixi oo shalay shir jaraa,id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee somaliland ayaa sheegay in boqorku u xidhan yahay sharciga dalka, waxaanu yidhi “Buur madow waxa soo eedeeyey xeer ilaalinta, waxaana lagu soo eedeeyey hadal uu yidhi oo aanu cidna ka qarin oo ka hor imanayey sharciga inoo dhisan, markii aanu waydiinay raga kale maxa loo soo eedayn waayeyna waxay yidhaahdeen xaqiiq hadal ah oo ka duuban ma hayno, tagitaankuna dambi muu ahayn oo waxay wada ahaayeen Suldaano iyo Boqoro, mar walbana way tagaan oo hablo ayey soo guuriyaan, mag bay soo kala qaadaan, qolo dhexe ayey isku celiyaan markaa erayga boqor iyo Suldaan tagay muu ahayn dambi  laakiin waxa dambi ah qofkii maxaa ka yimid.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in sharciga dalka loo siman yahay waxaanu yidhi “Boqor Buurmadow waa ninkaas aad taqaanaan ee raga ee dadka badan hogaamiya, anigana taageerada badan iyo saaxiibtinimadu naga dhaxaysay laakiin hadduu qaldamo waynu is toosinaynaa ileen waxaynu isku raacsanahay in sharcigu qabto ka ugu sareeya iyo ka ugu hooseeya, haddii sharcigu qabtay cidna laga dhaafi kari maayo.”

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadlay saamaynta kaga soo noqotay xadhiga Boqor Buurmadow waxaanu yidhi “Aniga waa laygu canaantay oo qolada mucaaridka ahi waxay tidhaahdaa Buurmadow ayuu kaga bilaabay laakiin xeer ilaalin ayaa dacwaysay waana sharci soo gudbay, mana odhan karo anigu intaas hay’addaha fara geliyo hebelna sharciga halagu qaado hebelna halaga daayo, markaa xeerkaas ayuu ku yimid xadhiga buurmadow, kuwa kalana markii aan anigu waydiiyey xeer ilaalinta waxay yidhaahdeen hal eray oo aanu ku hayno maxkamadana ku keeno ma hayno, way tageen mooyaane, tagitaankana waxay isku taagayaan Salaadiintu maalin walba way talaabaan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker