Gudashada Waajibaadka Xajka oo Maanta Ubilaabmay Muslimiinta.
Malaayiin muslimiin xujay ah ayaa Maanta oo Axad ah billaabay maalmaha waajibka ah ee gudashada xajka oo ah rukniga shanaad ee tiirarka Islaamka.
Ku dhawaad laba milyan oo ruux ayaa sannadkaan ka qeybgalaya gudasha waajibaadka xajka kuwaas oo ku sugan Xaramka Barakeysan ee magaalada Maka Almukarama ee dalka Sacuudiga.
Maalinta berrito ah oo Isniin ah ayaa ah maalinta weyn ee loogu yeedho Youmul Carrafa oo ay malaayiin Muslimiin ahi ku cibaadeysan doonaan Banka Carrafa.
Soomaali badan ayaa ka qeybgaleysa sannadkaan waajibaadka gudashada xajka kuwaas oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa. Hase yeeshee waxaa sannadki labaad aan xajka ka qeybgaleyn muwaadiniinta u dhashay dalka Qarar, kadib marki ay Dowlada Qatar sheegtay in Sacuudigu aanu diiwaan gelin ilaa 1,200 oo muwaadiniin reer Qatar ah oo Tagi lahaa Xajka Sannadkan.
Sacuudiga iyo dhowr dal oo Carab ah ayaa bishii June ee sannadkii 2017-kii xidhiidhka u jaraxay dowlada Qatar .