Dowlada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Ganacsato Somaliyeed Oo Lagu Xidhay Dalka Turkiga

Booliska magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa 16-kii bishan waxaa ay xireen ganacsato Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo shalay   lasoo daayay,.

Ganacsatada ayaa waxaa loo qabtay in muddo 30 maalmood gudahood ah ay kaga baxaan dalka Turkiga.

Safiirka Soomaaliya ee magaalada Ankara Ambassador Jaamac Caydiid ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay dacweeyeen dadka Xaafada ay ku Ganaxsanayeen, balse dadaal farabadan ay sameeyeen kusoo daayeen.

Safiirka oo la hadlay voa-da waxaa uu sheegay in sababaha dadkaan loo xidhay ay aheyd in ay dalkaasi ku tageen Viisooyin Dalxiis iyo kuwa Ardaynimo, isla markaana dalka Turkiga aan laga ogoleyn.

Ugu dambeyn Safiirka waxaa uu sheegay in guddiga Ganacsatada Soomaalida ay u sheegeen in dadka la xidhxidhay dhowr jeer loo keenay digniino kala duwan lagana dalbaday inay Sharciga wadanka ku joogaan ka dhigtaan mid Shaqo, balse ay ku adkaatay.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in tirada Soomaalida Ganacsatada ah ee la xidhay ay gaadhayaan 9 qofood oo isugu jira 7 rag ah iyoaba dumar ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker