Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo xukun dil ah ku riday Sayid-Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ka soo saartay racfaan uu u qaatay Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo horey Maxkamadda Darajada Koowaad ugu xukuntay dil toogasho ah kaddib markii ay ku heshay in uu gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis, dhaawicii garayna ay u dhimatay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa qabatay afar fadhi oo lagu dhageysanayay racfaan dalbashada Sayid-Cali Macalin Daa’uud, iyadoo qareenadiisu soo bandhigeen sababta ay racfaanka uga qaateen xukunka horey ugu dhacay ee ahaa dilka.

Xeer Ilaalinta Qaranka iyo Qareenada marxuumad Luul ayaa iyana ku celiyay dooddoodii ahayd in Sayid-Cali si ula kac ah u gubay xaaskiisa, isla markaana ay tahay in lagu raaco ga’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir horey uga soo saartay dacwaddan.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa ku raacday xukunka maxkamaddii hore ka soo saartay Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo ahaa in lagu helay dambi ah in uu gubay xaaskiisa, isla markaana ku riday dil toogasho ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker