Madaxweyinii la riday ee Gabon iyo labadiisa wiil oo cuntada ka soomay

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Gabon Cali Bongo iyo labdiisa wiil ayaa cuntada ka soomay, iyagoo ka ashtakoonaya ‘’jirdil iyo tacdi kale’’, sida laga soo xigtay qareenada qoyska.

Bongo ayaa xukunka looga qaaday afgambi milatari bishii August ee sanad kii la soo dhaafay, wax yar uun kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee lagu murmay.

Cali Bongo iyo labadiisa wiil ee Jaliil iyo Bilaal ayaa markaa dabadeed la dhigay xabsi guri caasimadda Libreville.

Milatariga xukunka haya ayaa sidoo kale jeelka dhigay xaaskiisa Sylvia Bongo iyo wiilkiisa curadka ah Nuuradiin, iyagoo ku eedeysan musuq maasuq, waana maxkamad sugayaal.

Qoraal ay soo saareen qareennada qoyska ayaa lagu sheegay in Sylvia iyo Nuuradiin la garaacay intii ay xirnaayeen.

Waxay kaloo sheegeen in Nuuradiin si xun loo jirdilay oo marrarka qaar koronto lagu dhajiyay.

Madaxweynaha la afgambiyay, oo 64 jir ah ayaa soo xukumayay dalka saliida qaniga ku ah tan iyo 2009-kii, markaas oo uu badalay aabihii oo xukunka hayay muddo 40 sano ah.

Qareenada qoyska ayaa sheegaya in ay dacwad cabasho ah u gudbiyeen maxkamadda Paris, todobaad kahor booqashada hoggaamiyaha kooxda miltariga Gabon janaraal Oligui Nguema uu ku tagayo Faransiiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker