Kooxda Qabsatay Cadan Ee Dalka Yemen Oo Diyaar U Ah Wada-hadalo Sacuudiga Marti-gelinayo

Hoggaamiyaha dhaqaaqa gooni ugoosadka ah ee Yemen, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ka qeyb galka wada-hadallo Sacuudiga uu marti-gelinayo, kadib markii dagaal uu la galay ciidamada dowladda Yemen taageera, uu tobaneeyo qof ku dilay magaalada Cadan.

Aidarus al-Zubaidi oo ah hoggaamiyaha Golaha Ku-meel Gaarka ah ee Koonfureed ee loo soo gaabiyo STC ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xabad-joojin laga hir-geliyo Cadan, halkaasi oo ciidamadiisa ay qabsadeen madaxtooyada iyo xarumaha ciidanka.

Ciidamada uu hoggaamiyo Aidarus al-Zubaidi ee doonaya in Koonfurta Yemen ay hesho madaxbanaani ayaa toddobaadkii tagay dagaal xooggan la galay ciidamo daacad u ah dowladda.

Labadan dhinac, ayaa shanti sano ee tagay waxaa taageerayey isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta taageerada ka hela Iran.

Aidarus al-Zubaidi ayaa sheegay in dagaalkii dhacay toddobaadki tagay uu ka dhashay โ€œdaan-daansiโ€ ka yimid ciidamada daacadda u ah madaxweynaha dibad joogga ku ah Riyadh ee Abedrabbo Mansour Hadi.

Dowladda Yemen ee madaxweyne Hadi ayaa ku eedeysay jabhadda STC iyo Imaaraadka Carabta inay qaadeen โ€œafgambiโ€ ayada ka dhan ah.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker