Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Doolow

Dowladda Soomaaliya war kasoo saartay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Warbixin lagusoo daabacay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa lagu yiri “Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ee aan ATMIS-ka ahayn, oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageeraya ololaha ciribtirka argagixisada ayaa fashiliyay Khawaarijta Al Shabaab weerar ay ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin Doolow ee koonfurta Soomaaliya.”

Hadalka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagusii daray “weerarkan oo ka koobnaa labo gaari ayaa waxaa durbadiiba fashiliyay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka feejigan saldhigaasi, waxaana taasi keentay in laga hortago qasaaraha ka dhashay weerarka.”

Dhanka kale warqad ay Al-shabaab soo saareen ayey ku sheegteen weerarkii maanta lala beegsaday saldhig ay ciidamada itoobiya ku leeyihiin duleedka magaalada Doolow ee goblka Gedo.

Weerarka ayey Al-shabaab ku sheegeen in uu ahaa laba qarax oo ay la kala beegsadeen saldhigga iyo keydka hubka ee ciidamada itoobiya ee halkaas ku sugan.

Ma jiro ilo madax bannaan oo laga xaqiijin karo balse waxay Al-shabaab sheegteen in ay khasaare dhimasho iyo burbur ah ku geysteen weerarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker