Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Britain Oo Xilalkii Ugu Horreeyay ee uu Magacaabo kusoo Daray Walaalkii

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Reuters Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Britain Boris Johnson ayaa xil cusub u Magacaabay walaalkii Jo Johnson,xili uu Maanta ku dhawaaqay qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada.

Boris ayaa walaalkiis Jo Johnson u magacaabay wasiir dowlaha wasaaradda ganacsiga, tamarta, warshadaha iyo waxbarashada ee dalkaasi Britain.

Xubnaha Wasiirada ah ee uu Magacaabay Boris Johnson aya la sheegay inay yihiin kuwo uu u adeegsanayo inay taageeraan qorshaha dowladda Britain uga baxeyso Midowga Yurub,isla markaana ay ku qanacsan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Britain Boris Johnson aya balan qaaday in dowladda Ingiriiska ay Midowga Yurub ka bixi doonto dhamaadka Bisha Oktoobar ee sannadkan 2019 hadii aan heshiis laga helin Midowga Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker