Isimada dhaqanka Sool oo kulan kula qaatay magaalada Muqdisho madaxweynaha Jubbaland

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa Magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah Isimada dhaqanka gobolada Sool,  Sanaag iyo Ceyn oo maalmahii lasoo dhaafay Muqdisho ku sugnaa.

Madaxweynaha Axmed Madoobe ayaa ka dhageystay Garaadada dhaqanka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn aragtidooda ku aadan xal u helida dhibaatada ka tagaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isagoona kula dardaarmay Isimada iney doorkooda ka qaateen nabadda iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

Garaadada dhaqanka ayaa dhankooda uga mahadceliyay Madaxweynaha Jubbaland kulanka iyo soo dhaweynta wanaagsan ee uu u sameeyay.

Isimada ayaa u bandhigay madaxweynaha Jubbaland aragtidooda ku aadan xaaladda ka taagan Laascaanood iyo caqabadaha nololeed ee soo food saaray dadka deegaanka, kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Garaadada gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo magaalada Muqdisho soo gaaray 28-kii bishii lasoo dhaafay ayaa Muqdisho wali ka wada kulamo gooni gooni ah oo ay la qaadanayaan madaxda dalka, kuwaas oo daaran wax ka qabashada xaaladaha ka jira gobolka Sool.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker