DF Somalia way ku Fashilantay inay Waxka Qabato Amniga Dalka ,, Senetar Cabdi Xasan C Qaybdiid

 

Image result for generaal cabdi xasan cawaale qaybdiid

 

Muqdisho (OWN) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ah guddoomiyaha guddiga Dastuurta labada ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka.

Cabdi Qaybdiid oo wareysi siiyey TV-g Universal ayaa is barbar dhig ku sameeyey waxyaabaha u qabsoomay dowladda iyo kuwa ay ka gaabisay muddada ay jirto.

 

 

Ugu horreyn wuxuu sheegay in dowladdu ay dadaal badan gelisay arrimaha siyaasadda iyo barnaamijka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka gaabisay wax ka qabashada amniga iyo mas’uuliyada ka saaran, isagoo xusay inuu go’ay isku socodka gobollada dalka.

 

 

Waxaa go’ay isku socodka dadka iyo Ciidamada Gobollada Dalka, taas badalkeed Dowladda ciidamadii loogu talagalay in ay u isticmaalo isku furista waddooyinkaas ay geysay Gobollada kale ee dalka”. ayuu ku yiri wareysiga uu bixiyey Cabdi Qaybdiid.

 

 

Senatorka oo hadalkiisa sii wata ayaa dowladda ugu baaqay inay u diyaar garowdo, islamarkaana ay mas’uuliyad iska saarto sugida amniga doorashada soo socota.

Ugu dambeyn wuxuu u soo jeediyey madaxda Qaranka inay xooga saaraan arrimaha nabad gelyada iyo dib u heshiisiinta oo muhiim u ah geeddi socodka Soomaaliya.

 

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bilihii dambe dowladda lagu dhaleeceynayey in ciidamadii loogu talagalay inay la dagaalamaaan Al-Shabaab ay geysay deegaano ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Jubbaland oo ay haatan xiisado xoogan ka jiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker