Maxkamadda ICJ oo ku dhawaaqday waqtiga la qabanayo dhageysiga kiiska dacwadda badda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqday in Dacwadda badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya ay dhacayso 15 bishan aynu ku jirno ee March,

Fadhiga Dacwadda oo ka qabsoomaya Hoolka The Peace Palace ee Hague saacaddu markay tahay 3:00 Galabnimo, ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda, halka inta kalana ay aaladda muuqaal aragga uga qayb galayaan.

Wakiiladda dhinacyadda Dacwadda u dhaxayso waxay iyaguna noqon karaan Goobjoog ama muuqaal ayey uga qayb geli karaan sida lagu qeexay bayaan ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Diblomaasiyiinta, Wariyayaasha iyo Dadwaynaha waxay dhagaysiga Maxkamadda kala socon karaan Bogga Qaramadda Midoobay, kaasi oo si toos ah looga tebin doono dhageysiga dacwadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker