Wasaarada Caafimaadka JSL Oo Beenisay Inay Jiraan Dad Qaba Coronavirus Oo Baxsaday

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegay Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa beeniyay warar aad layskula dhex marayay kuwaas oo sheegayay inay baxsadeen saddexdii qof ee shalay lagu dhawaaqay in laga helay cudurka Covid-19.

Dr. Xergeeye; ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo ”Huuhaa” ah oo aanay waxba ka jirin, waxa uu sheegay in dadka laga helay aanay ahayn qaar meelo lagu xareegay, balse la siinayo uun talooyin caafimaad oo ay guryahooda ku karantiimaysan yihiin wasaaradda iyo dhakhaatiituna ay xidhiidh la leeyihiin.

 

Agaasimaha wasaaradda caafimaadku waxa uu sheegay in laga hubiyay Coronavirus 1,601 qof, kuwaas oo aan lagu arag wax calaamado ah oo laga shakiyay.

Waxaa uu sheegay inaanay jirin cid cisbitaal loo dhigay iyo cid u dhimatay tooni, diyaarna ay yihiin goobihii caafimaadka ee dadka lagula tacaali lahaa haddiiba loo baahdo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker