Rag Lagu Eedeeyay Argagixiso Oo Lagu Dilay Sacuudiga

Ciiddanka Ammaanka ee Sacuudiga ayaa sheegay  inay 8 qof oo hubeysan ku dileen Hawlgal ka dhacay Gobalka Al-qatif ee Bariga dalkaas.

 

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inuu Hawlgalkaasi ka dhacay Jesiiradda Taruut oo ku taalla meel ka baxsan magaallada Qatif, lana beegsaday koox cusub oo Argagixiso oo halkaas lagu asaasay, waa sida hadalka loo dhigay.

 

Dableyda la dilay waxaa la sheegay inay qorsheynayeen inay weeraro qorsheysan ku qaadaan Xarumaha Ciiddanka Ammaanka iyo Hay’addo kale.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker