Daawo Sheekh Siciid Raage Oo Ka Hadlay Khudbad Uu Jeediyey Oo Baraha Bulshada Qabsatay

Hadal uu maalmo kahor jeediyay wadaadka caanka ee Soomaaliyeed ee Sheekh Siciid Raage ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday baraha bulshada, hadalkaas oo dad badan ay dhibsadeen.

 

Sheekh Siciid Raage ayaa mar uu khudbadda salaada jimcaha jeedinayay waxaa uu shegay in inta badan dadka Afrikaan-Amerikaanka ah ee ku nool dalka Mareykanka aysan garaneyn aabayaashood.

Sheekh Siciid ayaa sidoo kale sheegay in marka dadkaas aad weydiiso aabayashood ay kuu sheegayaan in aanay  garaneyn. “Inta badan dadka aan la kulano, gaar ahaan Amerikaanka asaal ahaan ka soo jeeda Afrika ma garanayaan aabayaashood, intooda badan waxay ku dhasheen galmo hal habeen dhexmartay waalidkooda”, ayuu yiri Sheekh Siciid Raage.

 

Dadka arrintan dhibsaday ayaa sheegay in hadalkaas ay u fahmeen in uu ula jeedo in ay yihiin dad garac ah oo aan garaneyn aabihii ka dhalay hooyadood.

Tallaabadan ayaa waxaa sidoo kale cambareeyay qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, kuwaas oo sheegay in hadalka wadaadka uusan ahayn mid ay ka siman yihiin Soomaalida.

 

“Qofkii ugu horeeyay ee cambareeyay hadalkaas wuxuu ahaa qof dumar ah oo Soomaali ah, in Sheekha uu hadalkaas yiraahdana waa wax aad looga xumaado oo aan la aqbali karin”, ayay tiri qof magaceeda ku sheegtay Xaawo oo adeegsada barta Twiter-ka.

Sheekh Siciid Raage ayaa muuqaal uu soo duubay mardambe raali gelin ka bixiyay hadalkii uu jeediyay, isagoona intaa raaciyay in uu ahaa khalad dhacay.

 

Waxaa uu sheegay in qofwalba oo ban’iaadam ah uu khalad galo, isagana uu kamid yahay dadkaas, ixtiraam weynna uu u hayo dadka Afrikan-Amerikan.

“Hadalka afkeyga ka soo baxay wuxuu ahaa mid khaldan, uma maleynayo, mana aaminsani in dadka Afrikaanka ah ee degan Mareykanka ay yihiin kuwa garac ah, waxaan Alle ka baryayaa in uu i cafiyo, waxaana raaligelin ka bixinayaa hadalkii aan iri “, ayuu Sheekh Siciid Raage ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Sheekh Saciid Raage ayaa ah wadaad caalamka ku faafiya diinta Islaamka, inta badanna muxaadarooyin ka jeediya telefishenada Islaamiga ee caalamka, gaar ahaan Peace Tv ayaanan looga baranin hadalada xanafta leh ee noocan oo kale.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker