Ciidamada Booliska Australia Oo Toogtay Wiil Somali Ah

Booliska gobolka Queensland ee dalka Australia ayaa maanta badhtamaha magaalada Brisbane ku toogtay wiil Soomaali oo 22 jir ahaa.

Booliska ayaa sheegay in wiilka uu mindi Ku hubeysnaa, islamarkaana uu halisgeliyey naftooda, sida ay sheegeen.

Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Raage Maxamed Caabi ayaa la sheegay in booliska ay muddaba xaaladiisa dusha kala socdeen, ayna tuhun ka qabeen inuu maagan yahay falal argagixiso.

Maxamed Caabi oo ah marxuumka aabihiis ayaa sheegay in booliska ay rasaas ku fureen wiilkiisa ka dib markii uu diiday inuu joogsado xili uu socday wado ku taala bartamaha magaalada Brisbane.

“Dad baa arkay isagoo toorey wata, ka dibna booliska ku wargeliyeen, mana jirin wax weerar ah oo uu geystay, mudooyinkana boolisku waxay ku hayeen culeys iyo dabagal, iyagoo lugta uga xiray qalabka GPS-ka ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa dadka, mana jirin wax cadeymo ah oo ay u hayaan waxyaabaha ay ku tuhunsanaayeen” ayuu yidhi aabe Maxamed Caabi.

Baadhitaan ayaa la sheegay inuu ku socdo qaabka ay boolisku u dileen wiilkaas oo eheladiisu ku dacwoodeen in si gardaro ah loo dilay, aaanay jirin wax fal dembiyeed ah oo uu ku jiray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker