Faa’idooyinka caafimaad ee sinjibiisha

Sinjibiisha oo ka mid ah dhirta qarniyada badan adduunka laga yaqaannay, bulshooyin badanina u isticmaali jireen dawo dhaqameed.

Qormadan oo lagu faafiyey shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa faa’iidooyinka cilmibaadhisaha kala duwan iyo xeeldheereyaasha caafimaadku ka marag kaceen in laga helo isticmaalka sinjibiisha.

1. JOOJINTA KORITAANKA KANSARKA

Cilmibaadhayaal Maraykan ah oo ka tirsanaa jimciyadda culuumta kiimikada ee Maraykanka ayaa ogaaday in madadda ‘Capsaicin’ oo ah isku dhiska keena dhadhanka kulayka ah ee busbaaska cas, haddii lagu daro maadadda kale ee ‘Gngerol-6 oo iyaduna ku jirta sinjibiisha in ay ka qayb qaataan joojinta koritaanka degdegga ah ee unugyada kansarka ah ee sambabka ku samaysma.

2. XANUUNKA CROHN

Xanuunkan oo ah bukaan ku dhaca midhicirada oo saamayn ku yeelan kara guud ahaan habdhiska dheefshiidka, laga bilaabo afka illaa qashin mareenka.

Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan xarunta caafimaadka ee Atlanta oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa daraasad ay sameeyeen sannadkii 2016 kii ku ogaaday in sinjibiisa loo adeegsan karo daweynta xanuunka Crohn iyo nabarka calooleedka.

3. DAWEYNTA NEEFMAREENKA / HUNGURIGA

Hay’adda daryeelka caafimaadka ee dalka Qatar ayaa ku talisay in cuno xanuunka loo isticmaalo sinjibiisha oo lagu daray malab.

Warbixin ay hay’addu soo saartay ayaa ay ku sheegtay in sinjibiishu ay daweyn karto dhibaatooyinka neef mareenka, gaar ahaan marka lagu daro malabka oo ay u fiican tahay daweynta hunguriga oo ay kala dagaalanto bakteeriyada.

4. KANSARKA NAASKA

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda boqor cabdalcasiis ee dalka Sucuudiga ayaa iyaguna ogaaday in Sinjibiishu ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato daweynta kansarka naaska. Waxa ay sheegeen in sinjibiisu ay awood u leedahay burburinta unugyada kansar, iyada oo aan wax dhibaato ah gaadhsiin unugyada badqaba.

5. KA HORTAGGA MATAGGA XILLIGA WALLACA

Waxa ay khubradu sheegeen in sinjibiisu ay xal u noqon karto matagga ay dumarka qaar isku arkaan xilliga uurka bilowgiisa ee wallaca loo yaqaanno. Laakiin waxa ay ku talinayaan in isticmaalka ka hor dhakhtarka lagala tashado.

DIGNIIN

Waxaa xusid mudan in bukaanka kansarka looga digay in ay isku darka labadan maaddo ama sinjibiisha iyo busbaaska u qaataan in ay yihiin dawo lagu beddelan karo dawooyinka ay qaataan. Waana in ay dhakhtarka xaaladdooda gacanta ku haya kala tashadaan isticmaalka labadan maaddo.

Waxa kale oo la ogyahay in sinjibiishu ay furfurto dhiigga, sidaa awgeed qofka qaata dawooyinka dhiigga furfura waxaa lagula talinayaa in uu dhakhtar kala tashado isticmaalka sinjibiisha.

Kamaal Marjaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker