SULDAAN CABDI GAHAYR MAXAMUD JAMA WAA KA DAR OO DIBI DHAL ABAALKIISU WAA MANDHEERA

Suldaan cabdi gahayr maxamud jama anigoo sharaftiisa aan meel kaga dhacayn ixtiraamayana kana mid yahay madax dhaqameedka Somaliland waxaan leeyahay abaalkiisu waa jeelka mandheera waayo waxaa uu ka been sheegtay Qaranimada Somaliland iyo weliba xaduudaheeda
Waxaa uu hadana ka been sheegtay Qaranimada iyo madax banaanida waddanka isagoo ku sheegay in aan Dawladiba jirin ee beelo la yahay welina beeli ahaan loo shaqeeyo waxaa uu ka garnaqsaday sidii ilmo yar oo caruuro kale baadayaan in uu ku noq noqday beesha dhexe ayaa na hor boodaysa oo na qasbaysa
Waxaa uu meel kaga dhacay jiritaankii iyo wax wada lahaanshihii isagoo Puntland iska dhisaya waxaa lay soo dhoweeyey sidii madaxweynaha waxaa Boqor buur madaw lagu xidhay inta nin kani yidhi saddex jeer ka yar laguna xukumay 5 sanno bal hadaba aan eegno xaalka ninkan odayga ah ee ka been abuurtay Qaranimada Somaliland
Waxaa la yidhi baadida ninbaa kula daydeyi daalna kaa badine oon doonahayn abid inaad hesho daayin abidkaa dadkuna moodayaa duul wada degan dhul daayin ku abuuray, hadaba dad badan oo noocan ah ayaaa jira soona shaac baxay waqtigan siyaasadii Somaliland mugdigu yara galay intii muuse xilka qabtay ee talada maroorsaday balse sida loo maareeyo wax badan baan sugaynaa oo ay ka mid yihiin Dagaalka ceel afweyn, Tuke raq, iyo salaadiinta xadhkaa goosatay ee marada cad la wareegaysa
Gardaradana saaraysa beesha isaaq oo uu si badheedha u yidhi beesha isaaqay dhul idinkama maqna isagoo indhah ka qarsanaya in dhulka la wada degan yahay siduu sheegayna beeshiisu ka mid tahay Somaliland
ABDI ALI OBSIYE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker