Cadho ka dhalatay wiil saaka uu Moqdishu ku dilay askari katirsan kuwa dowlada

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in isu soo baxyo rabshado wata ay ka dhaceen isgoyska Hawlwadaag kadib markii nin dhalinyaro ah oo kaxeynayay mooto bajaaj lagu dilay isgoyska.

Dad careysan oo ka xun dilka ninka dhalinyarada ah ayaa banaanbax ka dhigay halkii dilku ka dhacay, iyagoo taayaro gubaya, mararka qaarkoodna shiidaya askarta isgoyska joogtay, waxana mararka qaarkood la maqlayay rasaas ay ridayaan askarku.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker